834 Views

Boqolaal muhaajiriin ah oo u tahriibayey Yurub oo lagu qabtey dalka Libya

Boqolaal muhaajiriin ah oo u tahriibayey Yurub oo lagu qabtey dalka Libya
____________________________________________________________________________

isniin: October 4, 2021

 Shan boqol oo muhaajiriin ah, kuwaasoo isku dayayey iney galaan qaaradda Europe axaddii, ayaa waxaa qabtey ciidamada ilaalida xeebaha Libya, iyadoo ay wali socoto qabqabasho balaaran oo la xiriirta muhaajiriinta.

Muhaajiriintan ayaa waxaa qabtey ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Libya, iyadoo la aaminsan yahay iney kusii jeedeen dhanka iyo Europe.

Doon lagu ciriiriyey dad gaarayey shan boqol oo qof, iyo mid kale oo aheyd caag la buufiyey oo ay saarnaayeen konton qof, ayaa la qabtey, ka gadaal markii ay cilad ku timid matoorkeedii.

Hey’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midooay, ayaa sheegtay in dadkii laqabtey ay intooda badan u kala dhasheen dalalka Bangladesh, Somalia, Sudan iyo Suriya.

Tani ayaa timid maalmo kaidb, markii qof la diley, halka daraasiin kalana ay ku dhaawacmeen intii lagu guda jirey hawlgal booliis, taasoo laga fuliyey galbeedka Libya, goob caan ku ah dadka soo galootiga ee magan galya doonka ah. Kumanaan kun dad gaaraya ayaa lagu xirey hawlgalkan, illaa iyo intii uu bilawdey.

Jimciyadda Quruumaha Kadhaxeysa, ayaa cambaareysay isticmaalista awoodda xad dhaafka ah, taasoo ka dhan aheyd dadka magan galyo doonka ah.

Uggu yaraan 4,000 oo qof, ayaa illaa iyo haatan lagu xirey, hawlgalkii lagu sifeynayey inta badan goobaha sida Gargaresh, oo ku taalla magaalada caasimadda ee Tripoli.

Wadankan ku yaalla waqooyiga Africa, ayaa waxaa kajira qalalaase illaa iyo sanadkii 2011-kii, iyadoo uu yahay goobaha ay inta badan dadka u tahriibaya Yurub ay sii maraan, kuwaasoo ka yimaada dalalka ka hooseeya Saxaraha, iyagoo naawilaya iney gaaraan qaaradda Europe.

BBC

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post