507 Views

Wasiir hore oo looga shakiyay “falal argagaxisinimo” oo xabsiga loo taxaabay

Wasiir hore oo looga shakiyay “falal argagaxisinimo” oo xabsiga loo taxaabay
____________________________________________________________________________

Talaado: January 4, 2022

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Tunisia ayaa sheegtay in wasiirkii hore ee arrimaha cadaaladda ee dalkaas xabsiga loo taxaabay isla markaana looga shakiyay “falal argagixisinimo”

Noureddine Bhiri oo ka tirsan xisbiga Ennahdha ayaa dhawaan la xiray.

Wuxuu ka soomay cuntada, wuxuu sidoo kale diiday in uu qaato dawooyin xilli Isniintii la geeyay cisbitaal ku yaalla dalkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Taoufik Charfeddine ayaa Isniintii sheegay inay jiraan warbixinno lala xiriira falal argagixisinimo oo mas’uuliyiinta ku khasbay inay tallaabo qaadaan.

Xisbiga Ennahdha ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyey madaxweyne Kais Saied ka dib markii uu shaqada ka ceyriyay Ra’iisul wasaaraha isla markaana uu joojiyay howlihii baarlamaanka sannadkii hore.

Xubno ka tirsan xisbiga ayaa ka deyriyay xaaladda caafimaad ee Noureddine Bhiri maadama uu xannuunsan yahay.

Wakaalada wararka ee AFP oo soo xiganaysa xaaskiisa ayaa ku warrantay in wadno xanuun uu kusoo booday isla markaana laga hor istaagay in ay la kulanto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post