663 Views

Rooble oo markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta

Rooble oo  markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta
____________________________________________________________________________


isniin: August 30, 2021

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta markale kulan gaar ah la yeeshay xubnaha golaha midowga musharixiinta, waxayna ka wada-hadleen arrimaha doorashooyinka iyo dardar-gelintooda.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa sii gaar ah diiradda loogu saaray in doorashada ay noqoto mid hufan, daah-furan, isla-markaaana waqtigeeda ku dhacda.

Sidoo kale xukuumadda iyo musharixiinta mucaaradka ayaa isla gartay in si wada jir ah looga wada-shaqeeyo qabsoomida doorashooyinka billowday ee 2021-ka, sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Ibraahim (Macallimuu)

“Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta,” ayuu yiri Macallimuu.

Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in Rooble uu midowga musharixiinta la wadaagay talooyin ku aaddan turxaan bixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen.

Labada dhinac sidoo kale ku ballamay shirar kale, si ay usii socdaan wada-hadallada ku aadan arrimaha doorashooyinka dalka oo haatan maraya meel wanaagsan.

Rooble waxaa sidoo kale kulankan ku wehlinayey xubno ka tirsan golihiisa wasiirada, sida wasiirka waxbarashada Soomaaliya, wasiir ku xigeenka warfaafiinta iyo mas’uuliyiin kale.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan, waxaana hadda qabsoomay intooda badan doorashooyinka xubnaha  Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post