423 Views

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo xalay werar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose

Dagaalameyaasha Al-Shabaab oo  xalay werar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 14, 2022

Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa xalay werar ku qaaday Saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo uu deegaankaasi ka dhacay dagaal culus, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Saraakiil katirsan Ciidanka Ururka 83-aad, guutada 14-ka October ee Xoogga dalka ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab, isla markaana deegaanka ay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa soo bandhigay meydka hal Xubin oo katirsan Al-Shabaab, kaas oo dagaalka lagu dilay.

Taliyaha ururka 83-aad ee October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa sheegay in Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay howdka degaanka Janaale ka wadaan howlgallo ay ku raad joogaan dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ee deegaanka Janaale weerar ku qaaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post