636 Views

Duullimaadyadii ugu badnaa Caalamka oo loo joojiyay saacadihii la soo dhaafay Xanuunka faafaya ee Omicron .

Duullimaadyadii ugu badnaa Caalamka oo loo joojiyay saacadihii la soo dhaafay Xanuunka faafaya ee Omicron .
____________________________________________________________________________

Sabti: December 25, 2021

Shirkadaha diyaaradaha Adduunka ayaa baajiyay in ka badan 4,500 duullimaad , dhamaadka Todobaadkii tagay, iyadoo laga cabsi qabo mowjado isa soo taraya oo xanuunka COVID-19 ah.

Si looga hortago faafitaanka xanuunka Covid 19, faraciisa Omicron, ayaa waxaa la baajiyay Duullimaadyada Diyarado isaga kala gooshi lahaa qaar ka mid ah caalamka, Sida laga soo xigtay Flightaware.com.

Warbixintan ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 2,000 oo duullimaad oo Caalamka oo idil ah la joojiyay, xilli waddamada qaar ay ka socoto munaasabada Kirismaska.

Jimcihii shalay, waxaa jiray ku dhawaad 2,400 oo la baajiyay iyo ku dhawaad 11,000 Duullimaad oo dib loo dhigay. Sidoo kale Flightaware, waxaa sheegtay in Duulimaadyo ka badan 600 la baajindoona illaa Axadii soo socoto.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post