1023 Views

Madasha Xisbiyada oo ka horyimid Go’aanada ay soo saaraan Wasiirada xilka siihaya

Madasha Xisbiyada oo ka horyimid Go’aanada ay soo saaraan Wasiirada xilka siihaya
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |Auus-02-2020-Madasha Xisbiyada Qaran oo ay ku mideysan yihiin Lix Xisbi Siyaasadeed oo ay hoggaanka u yihiin Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ay kasoo horjeesteen tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya ee xilka siihaya.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa loogu baaqay Madaxda Sare ee dalka & Golaha Wasiirada xilka siihaya inay ilaaliyaan Sharciga iyo Dastuurka xilligaan lagu guda jiro kala-guurka oo hadaan la garowsan uu dalka geli karo khalalaaso siyaasadeed.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen Gudiyada Farsamo ee dhameystirka natiijada Shirkii Dhuusamareeb ay ku yeesheen Madaxda Dowladda & Dowlaad Goboleedyada si go;aan looga gaaro Arrimaha doorashooyinka dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Madasha Xisbiyada Qaran oo ka kooban 7 Qodob ayaa waxaa sidoo ale lagu sheegay in Xukuumadda sida KMG ah xilka u sii heysa aysan awood u laheyn gaarista Go’aamo masiiri ah oo ay ku meel mari garto Guddiyo dastuuri ah oo horay looga gaabiyay.

Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin tallaabooyinkii Golaha Wasiirada xilka sii haya ay ku magacaabeen 30/7/2020 Xubnaha Golaha Adeega Garsoorka & Batroolka Soomaaliya, kuwaas oo ay sheegeen inay ahaayeen habka loo maray shari darro.

Ugu dambeyn Madasha Xisbiyada Qaran waxaa ay ugu baaqeen Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya inay si dhow ula socdaan tallaabo kasta oo ay qaadayaan Golaha Wasiirada xilka siihaya, isla markaana ay ula xisaabtamaan si joogta ah ilaa iyo inta laga soo Magacaabayo Ra’iisul Wasaare Cusub.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post