813 Views

Markabka dagaal ee USS Coll oo mar kale dib ugu soo laabmay Khaliijka

Markabka dagaal ee USS Coll oo mar kale dib ugu soo laabmay Khaliijka
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 3, 2022

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka S Lloyd Austin ayaa shaaca ka qaaday in dalkiisu uu gayn doono diyaaradaha dagaal oo casri ah wadanka Imaaraadka Carabta, oo ay ku sii kordhayaan weerarada gantaalada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa muddo toddobaadyo ah waxa ay gantaalo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku garaacayeen Imaraadka.

Mareykanka ayaa sidoo kale Imaaraadka siin doona qalabka bixiya digniinta marka ay weeraro ku soo fool leeyihiin.

Mareykanka ayaa Imaaraadka u diri doona markabka wax burburiya ee USS Cole si uu ula shaqeeyo ciidamada badda ee Imaaraadka loogana hortago weerarada lagu bartilmaameedsanayo wadamada Khaliijka,.

Dowladda Mareykanka ayaa ciidammo ku dhawaad ​​2,000 oo askari ay kaga sugan yihiin saldhiga ciidamada cirka ee Al Dhafra.

Wasaarada gaashaandhiga Mareykanka ayaa waxaa saldhigaasi ay geeysay hubka casriga ah sida diyaaradaha F-35, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, nidaamka difaaca hawada iyo hababka ka hortagga gantaalada.

Markabkan USS Cole ayaa taariikh dheer ku leh dalalka Carabta iyo guud ahaan dalalka ku yaalla Khaliijka.

Bishii October 12, 2000, markabkan USS Cole oo ku soo xirtay dekedda Cadan ayaa waxaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday labo nin oo isa soo miidaamiyay.

Qaraxan oo ahaa mid aad u weyn ayaa waxa uu duleyl weyn ku reebay markabka, balse waa uu ku guuldareystay in uu la dego.

Dayactirka Markabka waxay qaadatay wax ka yar hal sano, waxaana kharashka ku baxay lagu qiyaasay rubac bilyan doolar.

17 ka mid ah badmaaxiinta Mareykanka ayaa lagu dilay weerarka, waxaana lagu dhaawacay 39 kale, waxaana mas’uuliyadiisa sheegatay Al-Qaacida.

Dowladda Yemen ayaa markii hore sheegtay in qaraxa uu ka dhacay gudaha Markabka , balse laba maalmood ka dib waxa ay qiratay in loo geystay weerar argagixiso.

Maalmo ka dib, saraakiil ka tirsan FBI-da ayaa gaaray Yemen si ay baaritaanno ugu sameeyaan, wax yar kaddibna dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay Al-Qaacida inay ka dambeysay weerarkaas, waxayna soo bandhigtay magacyada tiro dad ah oo looga shakisnaa.

Maamulka Yemen ayaa xiray Cabdil Raxman al-Badawi iyo Fahd al-Qasaa doorkii ay ku lahaayeen weerarka.

Taariikh kooban oo ku saabsan markaka USS Coll

Dhismaha Markabkani ah kuwa wax burburiya ayaa la dhameeyay 1994-kii wuxuuna si buuxda u howlgalay 1996-kii.

Dhererka Markabkan: 154 mitir, ballaciisuna waa 20.4 miti.

Miisaanka Markabkan ayaa waxaa lagu sheegay 8300 oo tan islamarkana waa markab xawara aad u dheer ku socda.

Markabkan ayaa waxaa ku xiran hub casri ah gantaalada riddada dheer sida gantaalada Tomahawk ee baalasha leh, gantaalada lidka maraakiibta, madfac 127 mm ah iyo laba qori oo kuwa darandooriga u dhaca ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post