867 Views

Hirshabeelle oo balan qaad u sameeyay Musharixiin u taagan doorashada kuraas taala Beledweyne.

Hirshabeelle oo balan qaad u sameeyay Musharixiin u taagan doorashada kuraas taala Beledweyne.
____________________________________________________________________________


Axad: March 6, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaa ay xalay kulan la qaateen musharixiinta u taagan kuraas ka mid ah Golaha Shacabka oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la hadlayay musharixiinta ayaa waxaa uu usheegay in ay u diyaar garoobaan doorasho daah furan oo si nabadaa ku dhacda.

Sidoo kale, waxaa uu balan qaaday Cali Guudlaawe in aysan dhici doonin kuraas loo xiro shaqsiyaad gaar ah islamarkaana ay ahaan doonaan kuwa furan, isagoo ka dalbaday musharixiinta in ay Hay’addaha Ammaanka kala shaqeeyaan sugida amniga guud ee Beledweyne.

Kulankaan uu madaxweynaha la qaatay Musharixiinta u taagan u tartamida kuraasta taalo Beledweyne, ayaa imaanaya, iyadoo lagu wado in magaaladaas lagu qabto doorashada kuraas 11 ah ay horey u shaaciyeen Guddiga doorashada Hirshabeelle.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post