1065 Views

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo sheegay in rasaas loo adeegsaday

Guddoomiyaha Xisbiga WADANI oo sheegay in rasaas loo adeegsaday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 18, 2019–Guddooomiyaha Xisbiga mucaaradka ee WADANI Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliland ay xilligaan nabada ku ciyareyso,isla markaana ay u adeegsaatay Xisbiga Ciidamo.

 

Waxaa uu sheegay in Xafiiska xisbiga la geeyey Ciidamo farabada,sidoo kalena xilli uu xaruntasi tegayay lagu riday rasaas farabadan,hayeeshee mowqifkiisa aan waxba iska bedeleyn.

 

 

 

Xukuumaddu iyada ayaa nabadgelyada ku ciyaaraysa, Xisbina xaq looguma laha in xaruntoodu xoog lagu qabsado, xukuumadda waxa aan ugu baaqayaa in aanay xaalad abuurin ayuu yiriu”Cabdiraxmaan Cirro.

 

Sidoo kale isaga oo ka hadlayay xaalada Xarunta Xisbiga iyo khalakaasaha ka jira Hargeysa ayaa waxaa uu yiri”Aniga rasaas la igu rido iyo kaare la ii soo kaxaysto midna naga joojin mayso in aanu waajibaadkayagu gudano oo aan xafiiskaygii tago.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo Boolis ah ay ku hareereysan yihiin Xarunta Dhexe ee Xisbiga WADANI,isla markaana ay rabshado dhex-mareen Xubno taageersan Xisbiga.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment