879 Views

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ka sameeyay howlgallo Amni xaqiijin ah

Ciidamada ammaanka oo Muqdisho ka sameeyay howlgallo Amni xaqiijin ah
____________________________________________________________________________

Isniin : November 14, 2021

Ciidamada ammaanka DFS ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay Degmooyinka Gobolka Banaadir kaddib markii ay kordheen falalka amniga liddiga ku ah ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Ciidanka ayaa howlgalkooda ku baarayay Gawaarida, Mootooyinka & Dadka ku sugan qaar kamid ah Xaafadaha Muqdisho, Hay’adaha ammaanka ayaa goobaha baarista geeyay Dad ay ku tuhmeen falalka amni darro.

Howlgalkaan ayaa yimid kaddib markii Taliska Booliiska Soomaaliya uu Hay’adaha ammaanka Gobolka Banaadir faray in ay sameeyaan howlgallo looga jawaabayo cabashada Shacabka Magaalada Muqdisho ee ah Burcadda dhaca u geysata.

Taliska Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgalkaan ku tilmaamay mid xoojinaya ammaanka Muqdisho oo lagu qabanayo Doorashada Gobollada Waqooyi, Banaadiriga, Guddoonka Baarlamaanka & Tan Madaxweynaha.

Hay’adaha ammaanka weli soo bandhigin natiijada kasoo baxday howlgallada ay ka wadaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Booliisku waxa ay sheegeen in howlgalladu ay sii soconaya ilaa inta wax looga qabanayo kooxaha dhaca geysta.mus

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post