738 Views

Puntland oo Beesha caalamka ka codsatay in shirka uu ka dhaco Garoonka diyaaradaha Muqdisho, shakina ka muujisay Villa Somaliya

Puntland oo  Beesha caalamka ka codsatay in shirka uu ka dhaco Garoonka diyaaradaha Muqdisho, shakina ka muujisay Villa Somaliya
____________________________________________________________________________

3-da Marso, 2021

War-saxaafadeed ka soo baxay maamulka Puntland ayaa walaac looga muujiyey carqaladeyn ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu ku hayo dadaallada lagu xalinayo caqabadaha ku hor gudban qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Qoraalkan ka soo baxaya madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri,

“Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.”

Puntland waxay sheegtay in dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta ay u aragto kuwo u gogol-xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada-hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay.

“Dowladda Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020,” ayaa lagu yiri biyaankaan ka soo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Sidoo kale Ugu dambeyntii waxaa lagu yiri qoraalka maamulkaas, “Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.”

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post