1143 Views

Wasiirka wasaaradda Batroolka Jubbaland Axmed oo Dubai kaga qeybgalay shirka Shidaalka ee Qaaradda Afrika

Wasiirka wasaaradda Batroolka Jubbaland Axmed oo  Dubai kaga qeybgalay shirka Shidaalka ee Qaaradda Afrika
____________________________________________________________________________


Talaado: November 9, 2021

Wasiirka wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Jubbaland Axmed Cabdirisaaq Maxamed, ayaa magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatiga Carbeed kaga qeybgalay shirka Asbuuca Shidaalka ee Qaaradda Afrika oo ay martigalisay dowladda Imaraadku.

Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayaa waxaa looga hadlaa arrimaha la xariira maalgashiga Shidaalka iyo Macdanta kala duwan ee ay hodanka ku tahay qaaradda Afrika, Waxaana ka qeybgalaaya 45 wasiir oo ka kala socda Wadamada Afrika iyo shirkado badan oo daneeya shidaalka

Afrika.

Shirka ayaa socon doona inta u dhaxaysa 8-11 bisha November 2021, Waxaana inta uu shirku socdo laga hadli doona saliidda iyo khayraadka kale ee dabiiciga ah ee ay qaaraddu hodanka ku tahay.

Office Nairobi Kenya  

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post