717 Views

Wararkii ugu dambeeyay dilal ka dhacay Dhuusamareeb

Wararkii ugu dambeeyay dilal ka dhacay Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegaya inuu ka dhacay dil loo geystay Askari boolis ah oo ka tirsan kuwa dowlad goboleedkaas.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in Askari ka tirsan booliska  Galmudug uu dil ugu geystay  Kontorolka Faarax Koone ee Magaalada Dhuusamareeb Askari kale oo magciisa lagu soo koobay Dhuloqo.

Sidoo kale, Iid Faa’id maxmed oo ah Askariga dilka ugu geystay kan kale ayaa isna la sheegay in uu istoogtay, waxaana taasi ay dadka ku abuurtay arrin argagax leh, maadama ay tahay arrin ku cusub.

Warar ayaa sheegaya in dilka kahor askariga uu ka dhashay muran sababay isfaham waa oo soo kala dhexgalay askarta, kaas oo sabab u noqday inay nafta isdhaafiyaan.

Wali wax faah faahin ah kama aysan bixin dhacdadaan maamulka degmada iyo kan laamaha ammaanka ee Dhuusamareeb, balse waxaa lagu wadaa inay ka hadlaan, iyadoo Dadka ay dhacdadaani argagaxa leh ku abuurtay cabsi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post