1350 Views

Ururka Jaamacadaha Soomaaliya oo ku eedeeyey Ciidamada Dowlada Handadaad u gestaan Macalimiinta

Ururka Jaamacadaha Soomaaliya oo  ku eedeeyey Ciidamada Dowlada Handadaad u gestaan Macalimiinta
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Ururka Jaamacadaha Soomaaliya, ayaa ku eedeeyey xafiiska canshuuraha ee degmooyinka gobolka Banaadir in handadaad iyo xiritaan ay u geysteen macalimiinta iyo hawl wadeenada jaamacadaha Muqdisho.

Ururkan ayaa sheegay in hawl wadeenada xafiiska canshuuraha ee degmooyinka ee gobolka Banaadir, oo ay wehlinayaan ciidamo hubeysan ay tageen xarumaha jaamacadaha, si ay canshuur ugga soo qaadaan.

Ururkan ayaa sharci darro ku tilmaamay canshuur ururintan, iyagoo ku dooday inaaney jirin sharci sheegaya in canshuur laga qaado goobaha waxbarashada iyo hawl wadeenadoodaba.

Dr Maxamed Maxamuud Xasan, oo ah guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, ayaa sheegay dhankiisa in xarumahan yihiin kuwii badbaadiyey dhalinta Soomaaliyeed xiliyadii adkaa ee lasoo marey, iyagoo u sameeyay xifado ay ku shaqo tagaan.

Guddoomiyaha ayaa intaa raaciyey in kaalintii ay qaadan laheyd dowlad ay galeen aqoon yahano Soomaaliyeed oo is xil qaamey.

Dhanka kale, xafiiska canshuuraha ee degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka dalbadey jaamacadaha iyo xarumaha kale ee waxbarashada iney bixiyaan canshuurta ku waajibtay.

Aggaasimaha waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir, Muxiyadiin Xasan Jurus, ayaa tilmaamey iney qasab tahay iney canshuurta bixiyaan jaamacadaha iyo xarumaha kale ee waxbarashada.

Wuxuu intaa ku darey aggaasimaha in qof waliba oo ay ku waajibtay canshuurta laga doonayo inuu bixiyo canshuurta, isagoo carabta ku adkeeyey in isaga qudhiisa laga qaado canshuurta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post