939 Views

Shir looga hadlayay Ammaanka oo ka dhacay Boosaaso

Shir looga hadlayay Ammaanka oo ka dhacay Boosaaso
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 11, 2019 —Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan muhiim ah kula qaatay Guddiga Amniga magaalada Boosaaso.

 

Kulanka Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Guddiga Amniga Boosaaso ayaa waxaa ka warbixiyey Duqa degmada Boosaaso Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan.

 

 

“Waxaa Madaxtooyada magaalada Boosaaso noogu qabsoomay shirkii Amniga gobolka Bari oo uu shir guddoominayey Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ujeedada ugu weyn ee laga wada-hadlaayeyna waxa ay ahayd sidii looga wadashaqayn lahaa Amniga magaalada, sidii isku xidh amni loo helilahaa”

 

“iyo in Madaxweynuhu warbixin ka qaato qorshayaashii hore wixii ka qabsoomay ee dowladdu dejisey, waxa qabyada ka ah iyo sababta ay u qabsoomiwaayeen, waxaan rajaynaynaa xogta iyo shaqooyinka aanu qabanay ee aanu u gudbiney inuu la wadaago xukuumadda, sidoo kale waxaan rajaynaynaa inaan hirgelino talooyinka iyo amaawiirta uu nafaray” Ayuu yiri Duqa degmada Boosaaso.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment