795 Views

Maxkamad Milatariga oo xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdisamad

Maxkamad Milatariga oo xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday Cabdisamad
____________________________________________________________________________

Isniin: August 30, 2021

Maxkamad milatari oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa xukun 10 sanno oo xabsi ciidan ah ku riday nin la yiraahdo Cabdisamad Ibraahim Cumar oo lagu helay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ka dagaalanta buuraha gobolka Bari ee Puntaland.

Cabdisamad oo ku dhashay magaalada Gaarisa ee gobolka Woqooyi Bari Kenya ayaa go’aansaday inuu ku biiro kooxda isaga oo jooga Nairobi kahor inta aanu u safrin Soomaaliya sida laga soo xigtay kooxaha dambi baarista.

Cabdisamad ayaa tagay buuraha Galgala sanadkii 2016 kii halkaas oo uu si rasmi ah kooxda uga mid noqday. Sida ay sheegeen hay’adaha dambi baarista dhawr dagaal ayuu ka qaybgalay intuu joogay Puntland kuwaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo Kooxda Daacish, iyo kuwo dhexmaray iyaga iyo kooxda kale ee Al-Shabaab.

Hay’adaha amniga ee dawladda federaalka ayaa Cabdisamad ka qabtay garoonka caalamiga ah ee Muqdisho halkaas oo uu doonayay inuu uga gudbo magaalada, balse maxkamad ciidan oo la soo taagay ayaa garsooraha maxkamadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute waxa uu sheegay in eedeysanaha lagu helay dambiyadii loo haystay laguna xukumay 10 sanno oo xabsi ciidan ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post