729 Views

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo sheegay inuu joojin doono la hadalka Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis

Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo  sheegay inuu joojin doono la hadalka Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 1, 2022

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inuu joojin doono la hadalka Ra’iisul Wasaaraha Giriiga Kyriakos Mitsotakis, uuna baajiyay kulan muhiim ah oo ay yeelan lahaayeen labadooda dowladood, isagoo ku eedeeyay hogaamiyaha Giriiga inuu ka soo horjeedo danahaTurkiga.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka kaddib shir ay yeesheen golaha wasiirrada Talaadadii, ayuu Erdogan ku eedeeyay Mitsotakis inuu u soo jeediyay mas’uuliyiinta Mareykanka in aysan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-16,mar uu dhawaan booqday Mareykanka.

Erdogan ayaa intaa kadib waxa uu Giriiga ku eedeeyay in ay gabaad siiyan taageerayaasha Hogaamiye diimeedka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen, kaas oo Turkigu sheegay in uu ka dambeeyay isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee 2016-kii, Gulen ayaa horay u beeniyay eedeymaha Turkiga.

“aniga ma aqoonsani in xitaa uu jiro . Marnana ma aqbali doono inaan la kulmo” ayuu Erdogan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post