1146 Views

Sawirro:- Shir looga hadlayay Maalgashiga Soomaaliya oo ka dhacay Turkiga

Sawirro:- Shir looga hadlayay Maalgashiga Soomaaliya oo ka dhacay Turkiga
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Safiirka soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac Caydiid oo Maanta Gobolka Bursa ee dalka turkiga Ka qeyb galay Kulanka MUSIAD ayaa halkaa waxa uu ku soo badhigay fursadaha maalgashi ee Soomaaliya u leedahay maalgeliyayaasha shisheeyaha (FDI).

Safiirka ayaa Waxa uu si gaar ah u faahfaahiyey Qorahaha Horumarinta Qaran ee 9aad (NDP9) iyo sida uu u sahlayo una dhiirigelinayo soo jiidashada maalgelinta shisheeye ee gudaha Soomaaliya.

MUSIAD oo ah hay’ad ay ku midaysanyihiin in ka badan 12,000 oo shirkadood oo ka howl gala Dalkan Turkey Ayaa sanadkiiba mar yeesha kulan caalami ah iyada oo sanadkaan uu muhiimad gaar ah u lahaa Soomaaliya maaddama looga hadlayay maalgashi in lagu sameysto gudaha Somalia.

 

Dowladda Turkiga ayaa ka mid dowladaha saaxiibka dhow ah la ah Soomaaliya islamarkaana ka caawiya dhinacyo kala duwan,oo ka mid ah horomarka dalka iyo arrimaha dhismaha ciidamada xoogga dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment