567 Views

Rooble oo Dowlad Goboleedyada u qabtay 24’saac inay ku bilaabaan doorashada

Rooble oo Dowlad Goboleedyada u qabtay 24’saac inay ku bilaabaan doorashada
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheefay in howlihii uu u tegay Galmudug ay tahay arrinta doorashadu ayna ku dhammaadeen guul.

Waxaa uu ku ammaanay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor in uu xilli dhow u qabtay bilaabista doorasha xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Galmudug, wuxuuna si cad u sheegay inay walwal ku heyso arrimaha doorashada Golaha Shacabka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Dowlad goboleedyada kale ka codsaday in ay dhaqso u bilaabaan qabashada doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Doorashada Soomaaliya ayaa dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loogu talo galay, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ay Madaxda Soomaalida ku cadaadinayaan dhameystirka doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post