948 Views

Taalibaan oo loo diiday Diyaarado Dagaal oo Afganistan laheyd iyo Mareykanka oo la wareegaya

Taalibaan oo loo diiday Diyaarado Dagaal oo Afganistan laheyd iyo Mareykanka oo la wareegaya
____________________________________________________________________________

Isniin: September 13, 2021

 Ciidamada Cirka dowladii bur burtay ee Afganistan ayaa qaarkood la baxsaday diyaarado dagaal oo dowlada laheyd ,kadib markii dagaalyahanada Taalibaan la wareegeen magaalada Kabul iyo guud ahaan dalkaasi.

Diyaaradahan lala baxsaday ayaa la geeyay dalka Uzbekistan oo daris la ah Afganistan, waxaana ciidamadii la socday diyaaradahan dalbadeen magan gelyo iyaga oo kasoo baxsaday kooxda Talaibaan.

Maamulka Taalibaan ayaa ka dalbaday dowlada Uzbekistan in ay kusoo wareejiso diyaaradaha ciidamada cirka ee Afganistan, hasa ahaatee waxaa dalabkaasi ka biyo diiday dowlada Uzbekistan ayaa diiday in diyaaradahaasi ku wareejiso Taalibaan.

about:blank Dowladaha Uzbekistan iyo Maraykanka ayaa wararku sheegayaan in ay ku heshiiyeen in Diyaaradahaasi loo gudbiyo Saldhiga Ciiddanka Maraykanka ee ku yaalla dalka Qatar si ay ula wareegaan loogana fogaado in Taalibaan gacanta u galaan.

Diyaaradahan oo hada yaala Saldhig ku yaalla magaalladda Tarmiz ee dalka Uzbekistan, una dhow Xuduudka  Afganistan ayaa todobaadka soo socda loo duulin doonaa dalka Qatar si loogu wareejiyo ciidamada Mareykanka ee halkaasi jooga.

Dalka Uzbekistan waxaa yaala 46 Diyaaradaha Dagaalka ee Afganistan , kuwaasi ay ku jiraan Helikoptarada Black Hawk, Mi 17 iyo PC 12, waxaa sidoo kale dalkaasi u baxsaday 585 Duuliye iyo Farsama-yaqaano ka tirsan Ciiddanka Cirka ee Afganistan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post