591 Views

Dowladda Somalia & Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta duulimaadyada

Dowladda Somalia & Shiinaha oo ka wada hadlay horumarinta duulimaadyada
____________________________________________________________________________

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya  Durran Axmed Faarax ayaa Maanta la kulmay Danjiraha Dawladda Shiinaha ee Soomaaliya Danjire FEI Shengchao.

Wasiirka Iyo Danjire Shengchao ayaa kawada hadlay Iskaashiga labada dal gaar ahaana dhanka Duulimaadyadda Rayidka ah, waxaana uu Wasiir Duran sheegay in Danjiraha dadaalkiisa in kor loo qaado xariirka iskaashi ee labada dal.

”Dawladda Shiinaha waxay naga caawisaa dhinaca horumarinta Gaadiidka Cirka iyo duulimaadyadda Rayidkaa, Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in heerka Maamulka Hawadda la gaarsiiyo heerka A oo ah kan dunida horumartay ay joogto”Ayuu Yiri Wasiir Duran Farah.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaalo lagu horumarinayo arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post