918 Views

Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo Xasuuqa Israa’iil ka wado marinka Gaza

Amnesty International oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo Xasuuqa  Israa’iil ka wado marinka Gaza
____________________________________________________________________________

May 19 2021

Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo falalka arxan darrada ah ee ay Israa’iil kula kaceyso dadka rayidka ah ee marinka Gaza ku nool.

Bayaan ka soo baxay hay’addda Amnesty International ayaa lagu sheegay in weerarada cirka ah ee Israa’iil ay ku dhinteen carruur, haween iyo dad badan oo rayid ah oo qaarkood isku qoys yihiin.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in Israa’iil duqeysay dhismooyin waa weyn oo xafiisyo u ahaa shirkado kala duwan iyo guryo ay degganaayeen dad rayid ah.

Hay’adda ayaa sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la baaro weerarada Israa’iil, iyadoo la eegayo dembiyada ka dhanka ah beni’aadannimada ee ay ku kaceen ciidamada Israa’iil.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post