831 Views

Galka Baarista oo shaaciyey XOG cusub oo laga helay askartii la geeyay Eritrea iyo qorshe ay bilowday DF

Galka Baarista oo shaaciyey XOG cusub oo laga helay askartii la geeyay Eritrea iyo qorshe ay bilowday DF
____________________________________________________________________________

Talaado: August 3, 2021

Xog cusub ayaa kasoo baxeysa dhalinyarada dowladda federaalka ay tobabarka ciidan u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan markale diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, ayada oo lagu wareystay dhalinyaro kale oo kasoo baxsaday dalkaas, kuwaasi oo ka waramay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun oo ku qabsaday xeryihii lagu tobabarayey ee ay ku jireen.

Dhalinyarada kasoo baxsatay xeryaha lagu tobabaray ee Eritrea ayaa qaarkood waxay sheegen inay qaban jireen shaqo ka baxsan midka ciidanimo oo aad u adag, halka kuwa kalena ku dhinteen shaqaaqo dhex-martay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Eritrea.

“Waxaa dhacday maalin in meel lagu arkay rag Eritrean ah oo meel qodaya, waxaa la yiri qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaalida ah ayaa dhintay oo halkaan ku aasayaan,” ayuu yiri Mid kamid ah dhalinyarada lagu wareystay barnaamijka Galka Baarista.

about:blank “Meel aan ku tobabaran jirnay ayaa nin Eritrean ah oo macalimiinta kamid ahaa ayaa isku dal-dalay, kadib ayey ciidamada Eritrean-ka ay ku shamuumeen.”

Sidoo kale waxay dhalinyarada lagu wareystay barnaamijkan ay xuseen in markii hore ee la qaadayay loo sheegay in la geynayo Qatar, balse laga dejiyay caasimada dalka Eritrea, sida ay hore u sheegen dhalinyaro kal hore kasoo baxsaday xeryihii lagu tobabaray.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacada VOA-da ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhallinyaradaas dib loo soo celiyo, xili muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisada ka dhalatay arrinkaas.

Xogta uu helay Galka Baarista ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee dowladda federaalka ay qorsheynayaan in dhalinyarada hadda ku sugan dalka Eritrea ay dib ugu soo celiso dalka toddobaadyo gudahood, ayada oo ay xusid mudan tahay in aan wax jawaab ah laga heynin muddo labo billood ah guddi uu Ra’iisul wasaare Rooble u xil saaray arrinta ciidamadaas.

Ciidamada ay dowladda kasoo celinayso Eritrea ayaa ka howl-gali doona maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida ay Galka Baarista u sheegen labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la qariyay shaqsiyadooda, maadama aan loo ogoleyn inay la hadlaan warbaahinta.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post