2496 Views

Isbedelka Siyaasadeed iyo wadooyinka Muqdisho oo furmay

Isbedelka Siyaasadeed iyo wadooyinka Muqdisho oo furmay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 9, 2018 – Is Casilaadii kasoo yeertay Gudoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo kulamadii maanta ee Baarlamaanka Federaalka ee baaqday owgeed ayaa maanta wadooyinka xalay ilaa saaka u xirnaa ciidamada amaanka ayaa dib loofuray.

Ciidamada ammaanka Dowladda Federaalka ayaa xalay saq dhexe xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama la filayay in maanta uu dhaco kulanka Baarlamaanka oo codka kalsoonida loogu qaadi lahaa Gudoomiye Jawaari, balse inta uusan kulankaasi uu san furmin ay soo baxeen warar sheegaya inuu is casilay guddoomiyaha baarlamaanka.

 

Wadooyinka ayaa laga qaaday ciidamadii ku sugnaa, waxaana hada dib u soo laabtay isu socodka gaadiidka dadweynaha oo maalmihii dambe la kulmayay culeys ku aadan wadooyinka oo si joogto ah loo xirayay.

Wadooyinka xiran ma saameyn oo kaliya dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho hase yeeshee wadooyinka ka soo gala gobolada ayaa iyagana la xirayay mar walba iyadoo ay ku xayirnaayeen boqolaal gaadiid ah oo u soo waday ganacsi kala gedisan caasimada dalka ee Muqdisho.

.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Onlie | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment