1824 Views

Shir lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya oo London ka furmaya

Shir lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya oo London ka furmaya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Janaayo 23, 2019 –Shir lagu suuq geynayo shidaalka Soomaaliya ayaa 7da bisha February ka furmaya magaalada London ee Caasimadda UK.

Shirkaan waxaa la soo bandhigi doonaa xirmooyin 50 (blocks) oo ah goobaha shidaalka ceegaaga ee Soomaaliya, kaasoo ah dhul ku teedsan 173,000 KM.
Qorsha lagu suuqgeynaayo  ayaa socon doona ilaa 11 July 2019-ka sidda ay sheegtay Shirkadda wadda qorshahaan.

Shirkaan ayaa waxaa abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

Qaar ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si weyn  u dhaliilay Qorshan, waxaana uu ka qoray Qoraalkaan:

Waxaa lagu wadaa in la qabto 07 Febraayo oo ku beegan maalin ka hor sanadguuradii labaad ee doorashada Madaxweyne Farmaajo, xaraash (auction) xirmooyin 50 (blocks) oo shidaalka Soomaaliya ka mid ah oo ku teetsan dhul ku fadhiya 173,000 km. Shirka oo ka dhacaya Hotel Claridges ee Magaalada London ayaa waxaa soo abaabulay xukuumada Federaalka ah, shirkada SOMOIL oo magac bedelatay iyo shirkada Spectrum oo dalka Norway laga leeyahay.

Xaraashka (auction) ayaa dhacaya iyadoon hal qodob laga taabagelin heshiiskii ay 05/06/2018 Magaalada Baydhabo ku gareen dawlad federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada. Heshiiska oo loogu magac daray Lahaanshaha maamulka iyo wadaaga dakhliga kheyraadka dabiiciga ah ee dalka (Shidaalka iyo Macdanta) ayaa dhigaya in

1- In sharciga Shidaalka iyo Macdanta laga ansixiyo Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka. Lama ansixin.

2- In la dhiso Golaha Khayraadka Dalka oo ah Golaha ugu sareeya ee lagu lafa guro Arrimaha kheyraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Dawlada Federaalka ah iyo Dawlad Goboleedyada. Lama dhisin.

3- In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Bartoolka. Lama dhisin

4- Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed ( Somali National Oil Company- SONOGRAM) waa shirkad ay yeelanayso dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta. Rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada waxaa lagu qeexayaa sharci gaar ah.
Lama dhisin.

Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (auction) shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan labada aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’adhii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya.

Haddaba, waxaan uga digaynaa shirkadaha loogu yeeray shirka in ay ku kadsoomaan iibsiga xirmooyinka (blocks) shidaal ee ay xukuumada soo bandhigayso.

Waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqaynaa in ay ilaashadaan khayraadka dalkooda, kana hortagaan xaraashka shidaalka iyo Macdanta dalkooda.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment