480 Views

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu caddeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji

Madaxweynaha Maraykanka oo sheegay in Maxamed Bin Salmaan uu caddeeyay dilka weriye Jamaal Khaashuqji
____________________________________________________________________________

Isniin: July 18, 2022

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga Feysal Bin Farxaan oo ka hadlayay hadalka madaxweynaha Mareykanka ee ku aadan dilka weriye Jamaal Khaashuqji ayaa sheegay in dilka weriyaha uu ahaa mid nasiib darro ah.

Wuxuu intaa ku daray in Sucuudiga uu qaaday tallaabooyinka adag oo ka dhan ah dilkii Khaashuqji.

“Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay in khaladaadka noocan ah ay ka dhacaan dalal badan sida Mareykanka, Mareykanka wuxuu galay khalad, wuxuu tallaabo ka qaaday kuwa dambiyada galo isla markaana wuxuu ka shaqeeyaa sidii loo sixi lahaa khaladaadka, Sacuudiga Carabiya waa dal mas’uul ah wuxuu qaaday taallaabooyin adag oo lamid ah kuwaas” ayuu yiri Feysal Bin Farxaan.

Wuxuu intaa ku daray in Maxamed Bin Salmaan uu Biden kusoo hadal qaaday dilka ay u geysteen ciidamada Israa’iil weriyihii ka tirsaneyd warbaahinta Al Jazeera iyo mowqifka Mareykanka ee ku aadan dilka weriyaha.

Maxamed Bin Salmaan wuxuu u sheegay Biden in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay qiyam udub dhexaad u ah mabaadii’da dalka Islaamiga ah iyo dhaqanka carbeed.

Wuxuu u sheegay Biden, “Waxaa muhiim ah in arrimaha qiyamka lagu soo hadal qaaday kulanka balse ha isku dayin in qiyamkaaga aad marsiiso dadka kale, haddii aad sameyso arrintaas saameyn xun ayaa ka dhalan kartaa” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post