771 Views

Soomaaliya & itoobiya oo ka wada hadlay badqabka iyo amniga Diyaaradaha

Soomaaliya & itoobiya oo ka wada hadlay badqabka iyo amniga Diyaaradaha
____________________________________________________________________________

Wasiirka Gaadiidka iyo Dulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Md. Duran Axmed Faarax ayaa Maanta Shir Gudoomiyay Shir ay Muqdisho ku yeesheen Maareeyayaasha Hay’adaha Duulista Rayidka ah ee Itoobiya iyo Soomaaliya.

Shirkaan Waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Cali Gacal Gaabow, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Xasan, Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Mengiste, iyo saraakiil kale oo ka socday labada dawladood.

Shirkaan ayaa intii uu socday lagu kafa guray Iskaashi iyo khibrad is dhaafsi dhexmara labada Hay’adood,iyadoona lagu balamay in la yeesho Shirar kale oo arrimahaan lagu xoojinayo.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Xariirka Hay’adda Duulista Rayidka ah ay la yeelanayso dalalka Gobolka.

Dhankiisa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ah ee Itoobiya Getachow Ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Shirkaan, waxanaa uu intaas raaciyay in Iskaashiga kabada Hay’adood uu wax badan ka badalayo khubaradooda shaqo iyo Adeegyada ay siiyaan labada Shacab.

Ugu Dambayn Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Md. Duran Farah ayaa soo dhaweeyay Iskaashiga Hay’adaha Duulista Rayidka ah, wuxuu sheegay in Heshiisyo sidii loo gaari lahaa shirkaan gogol xaar yahay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post