720 Views

War qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ee arrimaha doorashada Soomaaliya oo mar kale lagu diiday

War qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ee arrimaha doorashada Soomaaliya oo mar kale lagu diiday
____________________________________________________________________________

 April 22-2021

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in aysan aqoonsanayn tallaabadii Baarlamaanka Soomaaliya muddada ugu kordhiyay hay’adaha federaalka.

Puntland waxay sheegtay in heshiiskii 17 September 2020 uu yahay hannaanka kaliya ee heshiis lagu yahay si loo qabto doorashada federaalka.

Puntland waxay ugu baaqday saxiixayaashii heshiiskii 17 September, saamileyda siyaasadda iyo wakiilada Beesha Caalamka in miiska wada hadalka lagu soo noqdo si loo soo afjaro xaaladda hubanti la’aanta dowladeed.

Puntland waxay sheegtay in haddii dib loogu soo noqon waayo miiska wada hadalka ay aayaheeda ka tashan doonto, iyadoo ka duuleysa shirweynihii Puntland ee 17 March 2020.

Puntland waxay xustay in ay soo dhaweyn doonto cid walba oo ka qeybqaadanaysa xaaladda cakiran ee Soomaaliya.

Dowladda Puntland waxay sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doono cid walba oo isku dayda in ay xasilooni darro ka abuurto Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post