1002 Views

Kenya oo ogolaansho siisay labo Diyaaradood oo alaabooyinka doorashada u daabulaya Somaliland.

Kenya oo ogolaansho siisay labo Diyaaradood oo alaabooyinka doorashada u daabulaya Somaliland.
____________________________________________________________________________

.May 14 2021

 Kenya ayaa ogolaansho diblumaasiyadeed siisay labo duulimaad oo alaabooyinka doorashada u daabulaya Somaliland si loogu qabto doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka, tanina waa iyadoo Kenya ay xayiraad saartay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda ee Kenya ayaa lagu sheegay in fasax laga siiyay nooca ‘Astral Aviation Ltd Aircraft type: MacDonnell Douglas DC-9 F iyo Boeing B727-227F, oo loo qorsheeyay.

In ay waqti kooban u soo dagaan hawada Kenya laga bilaabo 13 -14-15-ka May, oo lagu daabulayo doorashada. agabyada doorashooyinka soo socda ee 31-ka May ee golayaasha deegaanka iyo baarlamaanka Somaliland. ”

Wasaaraddu waxay xustay in shaqaalaha iyo rakaabkuba ay ilaalin doonaan tilmaamaha Wasaaradda Caafimaadka ee ku saabsan COVID-19.

Isagoo intaa ku daray, “Oggolaanshaha waxaa la siiyay daaqad 72-saac ah si loogu daboolo dib-u-dhac kasta.”

Kenya ayaa 11-kii bishii May joojisay dhamaan duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Soomaaliya, marka laga reebo geynta gargaarka bani’aadamnimo iyo duulimaadyada daadgureynta caafimaad, tan waxaa lagu sheegay ogeysiis ay soo saartay hay’adda duulista hawada ee Kenya (KCAA).

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post