1389 Views

Shamso Cabdi Yuusuf oo loogu hambalyeeyey xilka loo magacaabay

Shamso Cabdi Yuusuf oo loogu hambalyeeyey xilka loo magacaabay
____________________________________________________________________________

Waxgarad kala duwan, isuguna jira siyaasiyiin, aqoonyahanno, saraakiil & mas’uuliyiin ka tirsan qaybaha bulshada ayaa ugu hambalyeeyey Shamso Cabdi Yuusuf oo loo magacaabay Agaasimaha waaxda maamulka & maaraynta khayraadka dabiiciga, dowlad goboleedka Galmudug.

“Shamso marka hore waxaan leeyahay hambalyo xilka culus ee laguu magacaabay, waxaanna ALLE kaaga baryaynaa inuu xilkaasi kula garab galo, waxaan ku kalsoonahay inaad tahay ruux khibrad, aqoon, howlkarnimo & waaya-aragnimo kulansatay, inaad dadkaaga u qidmaysana waxay kuu tahay sharaf” Ayaa lagu yiri qoraal ay soo saareen waxgaradkaasi.

Waxgaradku, mahadcelinta soo gudbiyay ayaa kala ah:

1.Dr Axmed Jaamac Axmed

2. Gud: Drs Sahra Sh C/dulaahi Liibaan

3.Xilbaan C/dulaahi C/risaaq Jaamac

4.Abukaate Sh Xasan Maxamed Carab

5.Gen. C/nuur C/dulaahi Ciidle

  1. Maxamuud Cali Rooble

7. Gud. Daahir Cabdi Rooble Godin

  1. Maxamed Khaliif Maxamed

Magacabis Shamso (1)

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post