579 Views

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u magacaabay caleemo-saarka Xasan

Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u magacaabay caleemo-saarka Xasan
____________________________________________________________________________


Talaado: May 31, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga ee xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddigaan oo ka kooban 7 masuul ayaa kala ah afar wasiir iyo seddax taliye ciidan, waxayna kala yihiin:

1– Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur guddoomiyaha guddiga.
2– Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac
3– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Duraan Axmed Faarax
4– Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji
5– Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage
6– Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xanan Maxamed Xijaar
7– Iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad

Wareegtada lagu magacaabay ee ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Waxaa la farayaa xubnaha guddiga ee la magacaabay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan oo adkeeyaan amniga xafladda caleema saarka Madaxweynaha JFS.”

https://fd07cb65c114bf69cad8346965a2fae7.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Sida la qorsheeyey waxaa lagu wadaa in xaflad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu qabto magaalada Muqdisho 9-ka bisha June.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post