1020 Views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay degmada waabari..

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo  Guddoomiye Cusub u Magacaabay degmada waabari..
____________________________________________________________________________

Aaxad: September 5, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Waaberi, isaga oo Guddoomiye Cusub u Magacaabay degmada.

Wareegto kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho ayaa waxaa xilka Guddoomiyaha degmada Waaberi loogu magacaabay Sugaal Cali Ayaanle oo ah Wiil Dhalinyaro ah, wuxuuna bedelayaa Guddoomiyihii hore ee degmada Waaberi, kaas oo lagu Magacaabo jiray Cabdicasiis Cismaan Jaamac.

Xogta la helay ayaa sheegeysa in Shaqsigaan loo Magacaabay Guddoomiyaha degmada Waaberi uu ahaa  madixii suuq geynta ee shirkadii Hubaal Forex  oo kamid eheyd shirkadihii loo heystay dhaca lacago badan oo ay lahaayeen qaar kamid ah Shacabka degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa ugu baaqay Guddoomiyaha Cusub ee degmada Waaberi in uu si wanaagsan u guto waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday

Degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaay soo kartay guddoomiyeyaal kala duwan, waxaana mid kamid ah guddoomiyeyaashii soo maray uu ku geeriyooday qarixii Xarunta Gobolka Banaadir ee lagu dilay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Injineer Yariisow.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post