909 Views

Muuse Biixi ” waxa noogu weyn waa aqoonsiga, Maraykanka waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika

Muuse Biixi ”  waxa noogu weyn waa aqoonsiga, Maraykanka  waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika
____________________________________________________________________________


Isniin: March 21, 2022


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku sugan dalka Maraykanka ayaa sharaxay waxyaabaha u qabsoomay illaa hadda iyo qorshaha socdaalkooda ay ku joogaan magaalada Washington DC.

Muuse Biixi oo wareysi siiyey laanta Af-Soomaliga ee VOA ayaa sheegay in madaxda Maraykanka ay kala hadleen arrimaha aqoonsiga iyo wax wada-qabsiga, sidoo kale Muuse Biixi ayaa carabka ku dhuftay in Mareykanku uu dalbanayo saldhig militeri oo Somaliland laga siiyo, inkastoo uu balan qaaday in arrintaas uu dib ka faahfaahi doono.

Sidoo kale Muuse Biixi wuxuu cadeeyey in qorshahoodii aqoonsi raadiska ahaa ay ka gadi waayeen Mareykanka oo lagu qasbanaaday in meel la iska dhigo oo labada dhinac ay ka wadahadlaan sidii ay wax u wada qabsan lahaayeen.

“Mareykanka laba meelood ayaan kala taaganahay anaga waxa noogu weyn waa aqoonsiga, ayaguna waxay taagan yihiin arrintaan waa mid u taalla Afrika,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Hase yeeshee waxa uu sheegay in hadda uu Mareykanku aad ugu soo dabcay dhankooda oo wafdigiisa uu ka dalbaday in arrinta aqoonsiga dib loo dhigo ee hadda laga wadahadlo iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa yiri, “Masuuliyiintii Mareykanka ee aan la kulanay waxaan ka dareemeynay inay aad uga dhowyihiin sidii hore oo ay ahaa jireen, laakiin waxay yiraahdeen aqoonsiga xagga noo dhiga ee aan ka hadalno inaan wax wada qabsano, 3-qodob ayaan ka wadahadlnay Mareykanka.”

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post