1137 Views

Al-shabaab oo afduubtay dad ku soo dhaweeyay ciidamadii dowladda Shabeellada Dhexe

Al-shabaab oo afduubtay dad ku soo dhaweeyay ciidamadii dowladda Shabeellada Dhexe
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: Luliyo 1 2021

Wararka ka imaanaya  Gobolka Sh.dhexe ayaa sheegaya in Dagaalamayaasha Al-shabaab ay halkaas ka kaxeesteen shacab halkaas ku soo dhaweeyay Ciidamada Dowlada maalmoi ka hor.

Wararka ayaa sheegaya in dadka degan tuulooyin ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle, ay shabaab xalay la baxeen kuwaas maalmo kahor degaanadooda la sheegay in ay ku soo dhaweeyeen ciidamadii dowladda ee Al-Shabaab ka saaray qeybo kamid ah gobalka Shabeellada Dhexe.

Ku dhawaad 10 qof ayay Al-Shabaab ka afduubteen degaanada kala ah Warciise, Qoordheere, Wardhagax iyo Dabagaab oo ka tirsan degmooyinka Jowhar iyo Raage-ceelle.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa gubay ugu yaraan saddex guri, kuwaasi oo dab la qabadsiiyay kadib markii ay dadkii daganaa ay ka carareen Al-Shabaab.

Dadka la beegsaday ayey Al-Shabaab ku eedeeyeen inay wax ka iibsadeen ciidankii dowladda ee degaanadaas soo galay todobaadyo ka hor balse dib uga laabtay, halka qaarkoodna ay degaanka ku soo dhaweeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post