789 Views

Galmudug oo shaacisay inay jiraan dad diidan dhismaha Gole degaan

Galmudug oo shaacisay inay jiraan dad diidan dhismaha Gole degaan
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Wasiirka Wasaradda Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u- Heshiisiinta Galmudug mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi wayeel) ayaa sheegay in Galmudug ay wado qorsho ah inay dhamaan degmooyinka Maamulka galmudug ka dhisaan Gole degaan si dadka ku nool ay u doortaan mas’uulkii ay doonaan.

Magaalooyinka Gaalkacyo, Cadaado iyo Cabudwaaq ayuu sheegay in qorshaha ugu horeeya uu yahay, in kastoo Magaalada Gaalkacyo ay leedahay Gole degaan,waxaana uu sheegay inay jiraan dad diidan dhismaha Gole degaan dhamaan degmooyinka Galmudug.

“Waa iska jiri karaan dad war xumo tashiil ah oo arimahan Golaha Deeganka markii laga hadlayo guryaha gadashoda dadka ugu waramaya oo waxaan sal lahayn dadka u sheegaya laakin anaga go’aan keygu waxaa weeye in Golaha Deeganka la dhiso ayuu yiri” Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Federalka Iyo Dib-u- Heshiisiinta Galmudug Cabdi Maxamed jaamac ayaa hadalkan ka sheegay kulan ka dhacay Dagmada Cabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post