1104 Views

Culumada Kenya oo ka digtay si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isku soo baxyo.

Culumada Kenya oo ka digtay si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isku soo baxyo.
____________________________________________________________________________

isniin: October 11, 202

Maalinta beri ah oo talaadaa oo ay 12 bishaan tahay ayaa lagu wadaa in Maxakamadda Cadaallada Adduunka ee ICJ ay go’aan ka gaarto dacwadda xuduud badeedka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kadib muran labadaas dowladood oo u dhaxeeyya oo muddo sii jiitamaayay.

Iyadoo la wada sugayo go,aanka maxkamada Cadaaladda ICJ ayaa waxaa war uu kasoo baxay qaar ka mid ah culimada Kenya, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas uga digay in ay san sameeyn wax dibad bax ah dhinac kasta oo go’aanku u dhaco.

Waxey Shacabka Soomaalida ee dalka kenya ugu baaqeen Culimadu in si looga fogaado isku dhac qoomiyadeed aan la sameynin isku soo baxyo.

Dr Aadan Yoonis Sheekh Ibrahaim oo ah madax Golaha sare ee Muslimiinta dalka Kenya laanta Gobalka Waqooyi bari ayaa sheegay in Sooomalida looga baahan yahay ka Shaqeynta wax ay kujirto maslaxada Ummadda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post