303 Views

Amiir Harry “ Qoyska weligood ima aysan cafiyeen haddii aan shaacin lahaa waxyaabaha qaar

Amiir Harry “ Qoyska weligood ima aysan cafiyeen haddii aan shaacin lahaa waxyaabaha qaar
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Wiilka uu dhalay Boqorka UK, Amiir Harry ayaa sheegay inuu hayo dhacdooyin laga qori karo laba buug, ayna kamid yihiin waxyaabo haddii uu shaaca ka qaado aanay cafin doonin qoyskiisa.

Amiirka uu qaba gabar Maraykan ah oo lagu magacaabo Meghan Markel ayaa xiriir aan wanaagsaneyn waxa uu kala dhexeeyaa qoyskiis Boqortooyada, taasoo keentay inuu ka guuro Britain.

Buug uu ugu magacdaray Spare oo uu uga hadlay xaaladda qabsatay ayaa waxa uu noqday mid si aan horay loo arag ay u iibsadaan dadka UK.

Buugga ayaa waxaa lagu xusay liis dheer oo cabashooyin ah oo ka dhan ah qoyska Boqortooyada, iyo sidoo kale tiiraanyo aan la dhayin oo geerida hooyadiis ah, sidii uu ula dalaa dhacayay caafimaadka maskaxda, nolosha go’doonsan ee u uku jiray ka hor inta uusan la kulmin Meghan, iyo xiriirka xumaaday ee xubno ka tirsan qoyska.

Aqalka Kensington Palace iyo Buckingham Palace ayaa labaduba sheegay inaysan waxba ka oran doonin waxyaabaha buugga ku qoran.

Wareysi uu la yeeshay Bryony Gordon oo ka tirsan wargeyska Telegraph, kaasoo tegay California si uu ula hadlo, ayaa wuxuu amiir Harry sheegay in uusan isku dayeynin inuu dumiyo boqortooyada, balse inuu isku dayayayo inuu iyaga badbaadiyo.

Wuxuu amiirku sheegay inay jirtay warbixin uu la wadaagay ninka aan la aqoon ee wax u qora, JP Moehringer, si uu faham guud uga qaato, balse aan marnaba warbixintaasi lagu dareynin buugga.

Wuxuu sheegay in sheekadiisan ay ka koobnaan lahayd labo buug, balse macluumaad laga jaray ayna haatan tahay hal buug oo 400 oo bog ka kooban.

Wuxuu intaa raaciyay inaysan suurtogal ahayn inuu sheego sheekadiisa isagoo aan soo qaadin xubno ka tirsan qoyskiisa, maaddaama uu sheegay inay door muhiim ah ku leeyihiin, iyo in sidoo kale loo baahan yahya in la fahmo qof walba oo ku jira buugga.

Wuxuu Amiir Harry xusay inay jiraan waxyaabo dhex maray isaga iyo walaalkii, iyo sidoo kale isaga iyo aabbihii, balse uusan dooneyn inay dunidu ogaato.

Wuxuu sababta ku sheegay inuu aaminsan yahay in haddii uu sidaa sameeyo aysan wleigood cafin doonin.

Wuxuu sheegay inuu cafiyay wax walbo ay ku sameeyeen, wuxuuna xubnaha qoyskiisa ugu baaqay inta ay dhaleeceyn lahaayeen inay si hagaagsan ula fadhiistaan kalana xaalaan tabashooyinkiisa, isla markaana ay raalligelin siiyaan xaaskiisa.

Qaar ka mid ah waxyaabaha buugga ku xusay, wuxuu Amiir Harry sheegay in walaalkiis uu Meghan ku tilmaamay inay tahay qof “qallafsan”, oo “xaasid” ah. Amiir Harry ayaa sidoo kale walaalkiis ku eedeeyay inuu jir ahaan weerar u geystay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post