723 Views

Mareykanka oo sheegay inuu xadidi doono dadka uga imaanaya Hindiya, wixii ka bilaawda horaanta bishan

Mareykanka oo sheegay inuu xadidi doono dadka uga imaanaya Hindiya, wixii ka bilaawda horaanta bishan
____________________________________________________________________________

May 1-2021

Mareykanka ayaa sheegay inuu xadidi doono dadka uga imaanaya dalka Hindiya, wixii ka bilaawda horaanta bishan May , Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay Jimcihii, in ay ka walwalsanyahiin kor u kaca ba’an ee u yimid kiisaska COVID-19 iyo noocyo kale oo halis ah oo ka mid ah Coronavirus oo Hindiya ka dilaacay.

Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee Mareykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in maamulka madaxweyne Joe Biden ay go’aan ka gaareen soo galootiga Hindiya, kadib markii ay tixgeliyeen talooyinka xarumaha xakamaynta iyo ka hortagga COVID-19.

“Siyaasadaan ayaan fuli doonaa, iyadoo la tixraacayo kiisaska culus ee aan caadiga ahayn ee COVID-19 iyo noocyo badan ee laga helay Hindiya,” ayay tiri Jen Psaki Xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad ee Mareykanka.

Warkan ayaa ka dhigan in inta badan muwaadiniinta aan Mareykanka ahayn ee ku sugnaa Hindiya, in aan loo ogolaa doonin inay safar ku galaan dalka Mareykanka. “Waxaa jira waxyaabo badan oo ka reeban deganaanshaha joogtada ah ee Mareykanka, xubnaha qoyska iyo sidoo kale qaar ka mid ah muwaadiniinta kale ee aan Mareykanka ahayn” ayaa lagu yiri bayanka Aqalka Cad ee Mareykanka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post