825 Views

Xaalada Muqdisho oo saakay dagan kadib Weerarkii lagu qaaday xalay saqdii dhexe Hotelka ay ka daganyihiin Muqdisho Musharixiinta

Xaalada Muqdisho oo  saakay dagan kadib Weerarkii lagu qaaday  xalay saqdii dhexe Hotelka ay ka daganyihiin Muqdisho Musharixiinta
____________________________________________________________________________

Feb:19/2/2021

Xaalada Muqdisho ayaa saakay dagan kadib Weerarkii lagu qaaday  xalay saqdii dhexe Hotelka ay ka daganyihiin Muqdisho Musharixiinta.

Dagaalkan ayaa sidoo kale dhexmaray  ciidanka dowlada iyo kuwa mucaaradka, waxa uuna Xoogiisa ka dhacay taalada Daljirka Dahsoon oo la filayo in maanta lagu qabto banaanbaxa ay soo abaabuleen mucaaradka.

Ciidanka dowladda ayaa ku sugan taalada waxaana la xiray dhulka ka agdhow oo dhan waxaana dadweynaha loo diidayaa in ay lug kumaraan ama ay u dhawaadaan.

Sidoo kale waxaa jira cabsi laga qabo in ay Ciidamo ay wataan Mucaaradka ay soo gaaraan Muqdisho.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post