1293 Views

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Shir uga qeyb galay magaalada Bahir Dar

Sawiro:-Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Shir uga qeyb galay magaalada Bahir Dar
____________________________________________________________________________

MadMuqdisho | QOL | May 04, 2019 –Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), oo gaaray magaalada Bahir Dar  ee Dalka Ethiopia, ayaa ka qayb galay madasha heerkeedu sarreeyo ee Tana oo looga hadlayo amniga qaaradda afrika.

 

Shirka Madasha Tanta oo soconaya maanta iyo berri ayaa ah madashii 8-aad waxaa kasoo qayb gelay madax ka socota wadamada qaaradda Afrika, madaxda urur gobaleedyada, bulshda rayidka ah, aqoon-yahanno iyo dhallinyaro waxaana si gaar ah kulanka looga hadlayaa isbedelka siyaasadda geeska Afrika iyo horumarka nabadeed ee soo if-baxaya.

 

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo shirka ku metelaya madaxwaynaha JFS, mudne Maxamed Cabduyllaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa khudbad ka jeediyay madada oo ay furtay madaxwaynaha dowladda Federaalka Ethiopia, Sahle-Work Zewde.

 

Guddoomiyaha midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, iyo guddoomiyaha guddiga sare ee madasha Tana Forum, John Dramani Mahama, ayaa qayb ka ahaa madaxdii goob joogga ka ahaa furitaanka madada sideedaan ee Tano.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment