1194 Views

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay ismaamulka Mombasa

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay ismaamulka Mombasa
____________________________________________________________________________

April 29-2021

Shilka oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed ayaa waxaa uu ka dhacay ismaamulka Mombasa ee gobolka xeebta gar ahaan aagga loo yaqaano Makupa ee dalka Kenya.

Shilka ayaa sida la sheegay waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen gaadiid midka dadweynaha ah oo fariin goosta kadibna wadada ka baxay iyo mid nooca xamuulka qaado ah.

Inta la xaqiijiyay Shilka ayaa waxaa ku dhintay Saddex Ruux halka 5 Ruux ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo la geeyay Magalada Mombasa ee dalka Kenya si halkaasi loogu daaweeyo.

Gaariga nooca dadweynaha ee loo yaqaano Matuutaha ee shilka galay ayaa ka tegay dhanka degmada Makupa, waxaana uu ku wajahnaa deegaanaka Baarlamaneedka Changamwe.

Taliyaha Ciidamada taraafikada ee gobolka xeebta Peter Maina ayaa warbaahinta u sheegay in ay ciidamada wadaan barotaan dheerri ah oo la xiriira shilka, isla markaana ay xiran yihiin darawaliinta labada Gaari.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post