1071 Views

Wasiir Amniga Puntland oo ka hadlay Dagaalada Ciidamada Puntland la Galeen daacish

Wasiir Amniga Puntland oo ka hadlay Dagaalada Ciidamada Puntland la Galeen daacish
____________________________________________________________________________

.

Khamiis: July 15 2021

Wasiir Gallan ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay guulo waaweyn ka gaareen dagaaladaas, ayna kula wareegeen deegaano badan iyo talisyo ay lahaayeen Daacish iyo Al-shaaab.

Dagaalka kowaad oo socday 7 bishii Jun ilaa 25 bishaas oo ka dhacay agagaarka Boosaaso ayuu sheegay in ay kula wareegeen deegaano badan oo ka mid yihiin Sugul, Ceel-gobaad, Dhadhaabo, Majiyahan, Ceel-dibir iyo Maraje.

Sidoo kale wuxuu sheegay dagaal socday 26 Jun ilaa 13 July oo ay Daacish kula galeen buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari ay kala wareegeen deegaano iyo saldhigyo badan oo qaarkood ku yaallaan agagaarka degmada Balidhidhin.

Wuxuu xusay in ay Daacish ka dileen saraakiil sare oo ajnabi ah, walow uusan magacyadooda sheegin, sidoo kale wuxuu sheegay in ka qabsadeen saad iyo saanad ciidan oo ku qarsoonaa godod dheerdheer oo qaarkoood qodan yihiin ilaa 50-km.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada Puntland u qaabilsan miinooyin ay fureen ama qarxiyeen ku dhawaad 70 miino oo ay dhigeen Daacish.

Khasaaraha dagaaladaas Puntland ka soo gaaray ayuu ku sheegay labo askari oo dhimasho ah iyo tobaneeyo dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post