2364 Views

Taliska Xoogga Dalka Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Deeynuunaay

Taliska Xoogga Dalka Oo War Ka Soo Saaray Weerarkii Deeynuunaay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 16, 2018 —Aroornimadii hore ee saakay ayaa Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen deegaanka Deeynuunaay oo Magalada Baydhabo u jira 26km,waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Dagaalka saakay oo Saacado badan socday ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya qeybta 6aad Gaashaanle Sare Ismaaciil Khaliif Shire ayaa sheegay in weerarkaas ay Al-Shabaab uga dileen 8 ruux,sidoo kalena ay hub uga furteen.

Waxa uu sheegay in dhawaan Warbaahinta u soo bandhigi doonaan khaaaraha ay u geysteen Al-Shabaab,isla markaana uu sheegay in ay iska difaaceen siina dabagaleen waa sida uu hadalka u dhigay.

Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ay qorsheynayan howlgal la isugu furayo wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment