984 Views

Ciidamadaa Somaliland oo sameeyey howlgallo ay ku soo qabteen doonyo ku jiray kalluumeysi sharci darro ah.

Ciidamadaa Somaliland  oo sameeyey howlgallo ay ku soo qabteen doonyo ku jiray kalluumeysi sharci darro ah.
____________________________________________________________________________

6-  Marso, 2021

Ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland ayaa saacdihii la soo dhaafay sameeyey howlgallo ay ku soo qabteen doonyo ku jiray kalluumeysi sharci darro ah.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay taliska ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland howlgalkaan waxa uu ka dhacay aagga biyaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Yemen.

“Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa hawlgal ballaadhan ka sameeyay Badweynta Somaliland la wadaagto dalka Yemen, iyagoo hawlgalkaas ku qabtay doonyo sameynayay kalluumeysi sharci darro ah,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay taliska ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.

Inta badan xeebaha Soomaaliya waxaa ka socda kalluumeysi sharci darro ah, sida lagu sheegay warbixino qiimeyn ah oo la sameeyey sanadihii u dambeeyey, mararka qaarna waxaa la sheegay in xaalufin xoog leh loo geysto kheyraadka badda Soomaaliya.

Yemen waxay ka mid tahay dalalka ugu badan ee la sheego inay ka soo shiraacdaan doonyaha iyo maraakiibta kalluumeysiga sharci darrada ah ka sameeya biyaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post