2814 Views

Dowlada Kenya oo lacag duldhigtay Maxamed ibraahim

Dowlada Kenya oo lacag duldhigtay Maxamed ibraahim
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 26, 2017 — Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in abaal marin lacageed oo dhan Sh 2 million oo lacag Kenya ah la siin doono qofkii soo sheega xog ku aadan nin lagu eedeeyay in uu kooxaha argagaxisada ah u qaro dhalinyaradda yar yar.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed ibrahim Maxamed ayaa lagu eedeeyay in uu dhallinyaro u qorayo shabakadaha argagixisada iyo xagjirnimada.

“haddii aad hayso macluumaad ku aadan ninkaan wac xarruunta adeega booliiska qaranka”ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dalka Kenya.

Bishii July booliska dalka Kenya ayaa sheegay in lacag dhan Sh2 million oo lacagta Kenya ah ay siin doonaan qofkii soo sheegaa shan nin oo lagu tuhmaayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab,kuwaasi oo la sheegay in ay ka danbeeyeen weeraro lagu qaaday magaaladda Lamu ee Dalka Kenya.

Waxaa ka mid ah raga lacagta la duldhigay  laba nin oo walaalo ah,oo lagu kala magacaabo  Salad Tari Gufu iyo Gufu Tari Gufu, kuwaas oo ku lug lahaa afduub iyo toogashada Shaqaalaha Dadweynaha  ee ka shaqeenaayay PS Mariam El Maawy.

Dowladda Kenya ayaa maalmihii dhawaa waxa ay lacago madaxyadooda duldhigaysay rag u dhashay dalkaasi oo la sheegay in ay ka tirsan yihiin ururka Al-Shabaab.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |Muqdisho 

______________________________________________

//

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment