933 Views

Kenya oo lagu eedeeyay afduub loo geystay nin lagu waayay gudaha Nairobi

Kenya oo lagu eedeeyay afduub loo geystay nin lagu waayay gudaha Nairobi
____________________________________________________________________________

June 1/2021

laamaha ammaanka ee Turkiga ayaa xiray wiil uu adeer u yahay wadaadka Fetullah Gulen kaas oo dib loogu soo celiyey dalka Turkiga sida ay shaacisay warbaahinta gudaha.

Selahaddin Gulen ayaa lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay urur la mamnuucay oo uu madax u yahay adeerkiis. Shaacinta laguma sheegin halka lagu xiray.

Laakiin xaaskiisa Serriye, oo macallin ka ah dalka Kenya, ayaa muuqaal ay soo dhigtay baraha bulshada ku sheegtay in seygeeda lagu waayey magaalada Nairobi horraantii bishii May.

Wakaaladda wararka ee Anadolu ee dalka Turkiga ayaa daabacday sawirka Mr Gulen oo katiinadaysan, calanka Turkigana dhinacyada ka yaallo.

Selahaddin Gullen waxaa adeer u ah wadaadka fadhigiisu yahay Mareykanka Fethullah Gulen, kaas oo dowladda Turkiga ay sheegtay inuu mas’uul ka ahaa afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii inkastoo Fethullah Gulen uu gaashaanka u daruuray inuu ku lug lahaa isku dayga afgambigaasi.

Fetullah Gulen waxaa taabacsan dad aaminsan inuu yahay hogaamiye ruuxi ah mararka qaarna waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay ninka labaad ee ugu awoodda badan dalka Turkiga.

Dhaqdhaqaaqiisa Gulen wuxuu ka shaqeeyaa shabakad iskuullo iyo hay’ado samafal oo ku yaal Mareykanka, halkaas oo daaciga uu hadda deggan yahay.

Turkigu wuxuu u arkaa dhaqdhaqaaqa Gulen urur argagixiso, isaga oo ku tirtiraya Ururka Argagixisada Fethullahist.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Fetullah Gulen ku eedeeyay inuu ahaa maskaxdii ka dambeeysay afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii kaas oo lagu dilay 251 qof, sidoo kalana in ka badan 2000 oo qof ay ku dhaawacmeen,

Fetullah Gulen, oo dafiray inuu wax lug ah ku lahaa, wuxuu ku noolaa dalka Mareykanka tan iyo isku daygii afgembi, Turkiguna wuxuu kala tashaday Washington dhiibistiisa.

Sanadihii la soo dhaafay, Mr Erdogan wuxuu waday howlo nadiifin ah oo uu ka waday hey’adaha dowliga ah, wuxuu shaqada ka joojiyay in ka badan 100,000 oo shaqaale dowladeed ah, oo ay ku jiraan macalimiin iyo garsoorayaal, kuwaasoo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin Fetullah Gulen.

Turkigu wuxuu kaloo qabtay tobanaan qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin dhaqdhaqaaqa Gulen ee dibadda – gaar ahaan Afrika iyo gacanka Balkan ee koonfurbari Yurub.

Qalalaase siyaasadeed ayaa ka qarxay Kosovo ka dib markii lix muwaadin oo Turki ah lagu qabtay halkaas 2018. Wasiirka arrimaha gudaha Kosovo iyo taliyihii sirdoonka ayaa labadaba shaqada laga eryay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post