1029 Views

Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo faahfaahiyay Ciidanka AMISOM ee Galmudug tagay

Saraakiisha Ciidanka Dowladda oo faahfaahiyay Ciidanka AMISOM ee Galmudug tagay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Ogoosto 31, 2019 –Taliyaha Ciidanka qeybta 21-aad  Cabdicasiis Cabdullaahi Qooje ayaa faahfaahin ka bixiyay Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

Taliye Qooje waxaa uu sheegay in Ciidankaan ay yihiin Hiil Walaal, islamarkaana ay ka qeyb gali doonaan howlaha lagu adkeynaayo Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

 

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka AMISOM ay ka howlgali doonaan goobo muhiim ah oo ku yaalla Magaalooyinka Galmudug.

 

Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee AMISOM ee gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa dhankiisa ayaa sheegay in ay caawin doonaan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

 

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in AMISOM ay qaadan doonto door muuqda oo ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka bilaaban doona degaanada maamulka Galmudug.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment