1227 Views

Itoobiya oo sheegtay inay quwadeeda gaashaandhiga oo dhan ku wajaheyso TPLF

Itoobiya oo sheegtay inay quwadeeda gaashaandhiga oo dhan ku wajaheyso TPLF
____________________________________________________________________________

Sabti: August 7, 2021

Dowladda Federaalka ee Itoobiya ayaa ka digtay suuragalnimada “in awoodeeda difaac oo dhan” ay kaga hortagi doonto falaagada ka dagaalanta gobolka Tigrey ee Waqooyiga dalkaasi, kadib markii dagaalyahanada mucaaaradka ay dhowaan hormar ka sameeyeen dagaalka ay kula jiraan ciidmada dowladda.

Dagaalyahanada TPLF waxay Khamiistii la wareegeen gacan ku haynta magaalada Lalibela, oo ah magaalo ay hay’adda Unesco u aqoonsatay inay tahay magaalo qadiimi ah.

Magaaladan ayaa waxay ku taallaa gobolka Amxaarada oo daris la ah gobolka Tigrey.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay “in lagu qasbayo in inay abaabusho oo ay gobolka Tigrey u daadgureyso dhammaan ciidamada qalabka side”.

Dagaallada ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii Juun markaas oo jabhadaha (TPLF) iyo xulufadeeda, ay dib u qabsadeen inta badan deegaanada gobolka Tigray.

Ciidanka xukuumadda Itoobiya ayaa ka baxay gobolkaasi waxayna dowlada ku dhawaaqday xabbad -joojin hal dhinac

Si kastaba ha ahaatee, waddooyinkii gargaarka ee lagu tagi jiray Tigrayga ayaa la xanibay, mas’uuliyiintuna waxay abaabulayeen dagaalyahanno, iyadoo dadka dalka oo dhan lagu dhiirri -gelinayo inay is qoraan si looga hortago ciidmada TPLF.

Jabhada TPLF waxay doonayaan in wadahadal lagu joojinayo dagaalka la galo, balse wasaaradda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in ficilladoodu ay yihiin kuwa qeyrul masuulnimmo ah.

TPLF waxay “tijaabinaysaa dulqaadka dawladda federaalka waxayna ku riixaysay inay beddesho go’aankeeda xabad joojinta bani’aadamnimada ee halka dhinac ah”, ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Dhanka kale isu -duwaha gargaarka deg -degga ah ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in xabbad -joojinta bani’aadamnimada ee Itoobiya ay tahay lama huraan, si loogu oggolaado in gargaar la gaarsiiyo gobolka Tigreega ee dagaalka uu ka socdo.

Siddeed bilood ayaa laga joogaa markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalka Tigray kaddib markii ciidamada federaalka ay la wareegeen caasimadda gobolkaas ee Maqalle, 28-kii bishii November, 2020-kii.

Toddobo bilood kaddib, dowladda waxay badbaadsaneysay wajigeeda, iyadoo sheegeysay in 29-kii June ay xabbad joojin la gaartay Tigray, si waddada loogu xaaro in la sameeyo gargaarka bani’aadannimo.

Hal maalin kaddib, janaraal ka tirsan militariga ayaa lasoo xigtay isagoo sheegaya in Maqalle ay noqotay meel aan tabar loo heli karin.

Hase yeeshee, xabbad joojintii waxaa la shaaciyay hal maalin kaddib markii warbaahinta maxalliga ah iyo kuwa dibadda ay xaqiijiyeen in xoogagga fallaagadu ay dib u qabsadeen magaalada Maqalle.

Markii ay fallaagadu guulaha gaareen waxaa billowday in gobollada kale ee Itoobiya ay ciidamo u diraan jiidda hore ee dagaalka si ay uga barbar dagaallamaan militariga federaalka.

Kumannaan dhallinyaro ah “oo iskood isu xilqaamay” ayaa tagay xeryaha tababarka militaiga ee dowladda kaddib markii Abiy Axmed uu ka codsaday shacabka inay garab siiyaan militariga qaranka.

Barasaabka gobolka Amhara, Agegnehu Teshager, ayaa qudhiisa dhallinyarada gobolkiisa ka dalbaday inay militariga ku caawiyaan dagaalka ay kula jiraan fallaagada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post