1449 Views

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Dalka uu Mas’uul ka yahay Ra’iisul Wasaare Rooble Daawo

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Dalka uu Mas’uul ka yahay  Ra’iisul Wasaare Rooble Daawo
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday farmaajo in uu xagal daacinayo doorashadii uu ku wareejiyay Raisal wasaare Rooblr.

Deni ayaa markii ugu horaysay ka hadlay Qilaafka u dhaxeeya Farmajo iyo Rooble, waxa uuna sheegay in farmaajo uu  si cad baarlamanka hortiisa ka sheegay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka uu ku wareejiyay Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib qalalaasihii April dhacay ee ka dhashay isku daygii muddo kororsiga.

“27-kii May dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxay Xamar ku saxiixeen heshiis iyo habraacyo doorasho oo dhigaya in doorashada iyo amniga dalka inuu Ra’iisul Wasaaraha hoggaamiyo, runtii wixii lagu heshiiyay inuu khilaaf ka yimaado waxay ceeb ku tahay dadkii heshiiskaas saxiixay,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

 “Waxaan rajeynayaa in heshiiska uu sidiisa u hirgelo, islamarkaana ra’iisul wasaaraha uu mas’uuliyadda ka saaran doorashada iyo amniga dalka uu u guto sidii loogu talo-galay, madaxda kalena, oo madaxweynuhu ugu horreeyo ay fuliyaan wixii ay ballan-qaadeen, oo ay ra’iisul wasaaraha siiyaan fursad uu shaqadiisa ku guro.”

Sidoo kale Hadalka Deni ayaa imaanaya Xili xalay uu bur buray Heshiis laga dhex waday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Raisal wasaare Rooble.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post