648 Views

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta soo xiraya Shir ka socda Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland oo Maanta soo xiraya Shir ka socda Kismaayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 20 2021=Madaxwaynaha Maamulka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta lagu wadaa inuu soo xiro Aqoon is waydaarsi Mudo saddex maalin ah u socday Xukuumada Jubbaland.

Aqoon iswaydaarsigan waxaa kawada qayb galayay dhammaan Golaha wasiirada Jubbaland, waxaa maanta Xiritaanka kusoo biiray Agaasimayaasha Guud iyo Agaasime waaxeedyada Wasaaradaha Jubbaland.

Maalintii talaadada aheyd ee todobaadkaan ayaa Madaxweyne Axmed Madoobe uu shirka furay, waxaana Golaha Wasiirada ay is dhaafsadeen fikrado kala duwan oo ku saaban Shaqada ay hayaan.

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post